Friday, January 26, 2018

NO Gabooye NO qabiil dadkaaga dhinac ka raac.

ASCWW.

Dhammaan ummadda soomaaliyeed meel walbaa aad adduunka ka joogtaan waxaa idiin leeyahay Alle caafimaad iyo nabad ha idiinku waariyo waa mr abokoriya oo halkan kula hadli doona dhammaan dhalinyarada urrurka GYL meel walbaa ay adduunka ka joogaan.

marka hore anigu waxaan ahay wiil gabooye ah oo muuse dhariye ah cali abokor ninkaan i aqoonoow hada i baro mida xigta waxaan halka waano iyo guubaabo uuga dirayaa dhammaan dhaliyarada beel weynta gabooye ee kala jooga adduunka daafihiisa in ay ka waantoobaan ama ka xishoodaan calaacalka ay ka wadaan baraha bulshada youtube ka ama face booga.

Sabab?

1- Alle ayaa ku karaameeyay kaana dhigay gabooye si aad adiga iyo ehelkaaga isugo garataan.
2- Maalin walbaa aad youtube ka calaacasho waxba kuuma soo kordhineyso aan ka ahayn danbi iyo in aad isku liido qof adiga kula mid ah aan waxba ku dhaamin.
3- Sharaf iyo karaamo kuuguma jirto calaacalka badan ama cabashada badan.
4- Haddii ay inka tahay youtube aan ku shaqeysano waa mid kale iyadana oo waliba xariiftinimo ah.


Maxaad sameyn kartaa:

1- Dadkaaga ku baraaruji in ay wax barashada ku dadaalaan.
2- Naftaada , ehelkaaga , iyo dadkaagaba ku waani mar walbaa in ay naftooda ku kalsoonaadaan.
3- ka qeyb qaado horrumarinta dadkaaga dhan walbaa .
4- Alle ka bari mar walbaa in uu dadkaaga ka dhigo kuwo isku xiran isku figrad iyo hadafba ah .
5- dadkaaga dhinac ka raac oo kolba halka aad degto ayaad tahaye cuqdada iska daa oo adigu is horrumari.


 Mr abokoriya

No comments:

Post a Comment

Gabooyaha DDSI iyo waxa la gudboon.

ASCWW. Salaan ka dib, waxaan halkan uuga hanbalyeenayaa madaxweynaha DDSI Mr cabdi maxamuud cumar sida uu u garab taagan yahay ummaadda ...